Isbitaalka De Martini ee Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasbad lagu saxiixayay heshiis maaliyadeed oo gaaraya 3 million Euros oo ay dawladda Talyaaniga ugu deeqday Caafimaadka Soomaaliya.
Lacagtaan ayaa loogu tala galay yareynta dhimashada hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
Heshiiskaan waxaa saxiixay H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya , Ambaasadoorka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Vecchi iyo Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya, Mr. Anders Themsen.
Hay’adda UNFPA ayaa kala shaqayn doonta Wasaaradda Caafimaadka fulinta mashruucan.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadcelisay deeqdaan waxaana ay sheegeen in wax badan looga qaban doono adeegyadda Caafimaadka Soomaaliya.