Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ka socday shirar lagu dhex dhexaadinayo Beelo halkaasi dega,kuwaas oo dagaalkooda uu ahaa mid soo lab laabtay balse haatan xal laga gaaray.
Odayaasha labada beelood ee dirirtu ay dhex-martay iyo Waxgaradka iyo Odayaasha ugu caansan Soomaaliland ayaa qeyb ka ahaa xalinta iyo sidii nabad u heli lahaayeen labada beelood oo heshiis kala saxiixday.
Todobaadkaan ayaa waxaa Magaalada Ceel-Afwyen lagu saxiixay heshiis ka kooban Sideed  qodob oo ay ku heshiiyeen labada beelood,hayeeshee Maanta la shaaciyey.
Qodobada ay Beelaha ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in labada beelood ay dhaqan geliyaan heshiiska,isla markaana Beeshii ka baxdo ama rida xabad sharciga la marsiiyo.
Sidoo kale in hub aan lala dhex-mari karin Goobaha Caanka ah oo ay Bulshada isugu yimaadaan, iyo sidoo kale in Beel kasta looga baahan yahay inta ay wada-hadallada socdan inay qaado tallaabo xakameynta dhaq dhaqaaqa deegaanka.
Hoos Ka Akhriso Qodobada Heshiiska labada Beelood.