Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.
Mudanayaashana ayaa xalay loo diray fariimo lagu wargelinayo in ay yimaadaan kalfadhiga maanta ay yeelanayaan golaha.
Ajandaha looga hadlayo kalfadhiga golaha shacabka ee baarlamanka soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah akhrinta labaad ee heshiishka ka mid noqoshada hay’adda damaanada darafyada badan .