Duqeymo markale ka dhacay gobolada Bay iyo Jubbada Dhexe.

0
507

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Buula-fulay ee ka tirsan gobolka Baay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dagaal culus uu ka dhacay deegaanka, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo si gaar ah u tababaran iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa Radio Cadaado u sheegay in labo gantaal lagu dhuftay xarunta ay ay ku sugnaayeen Al-shabaab, iyadoona kadib la maqlay dhawaqa rasaasta ay is waydaarsadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka soomaaliya ayaa Radio Cadaado u sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.

Dhanka kale Degmada Jilib ayaa la sheegey in duqeyn ay ka dhacday kadib markii duqeyn lala beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta degmada Jilib ayaa waxaa lagu dilay saraakiil lagu magacaabi jiray Macalin Ibraahim Abuu Xamza oo ahaa madaxii isku xirka Al-qaacida iyo Al-shabaab.