Ciidamada Dowlada Oo Dilay Isku Xirihii Al ShabaabIyo Al Qaacida

0
472

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib Gobolka Jubba Dhexe ayaa la sheegaya Madaafiic in lagu garaacay Saraakiil katirsan Al Shabaab oo halkaasi marayay.

Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Ajaanibta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa Gantaalo ku Duqeeyay Sagaal Sarkaal oo Magaalada ka baxayay ama marayay banaanka hore ee Degmada Jilib.

Mas’uul katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Duqeyntaasi in lagu dilay Saraakiil uu ku jiro Madaxii isku Xirka Alqaacidda Iyo Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Ibraahim Abuu Xamza.

Sido kale Wuxuu sheegay Xunaha uu hogaaminayay Abuu Xamza iney kamid yihiin Saraakiil Sirdoonka Shisheeye iyo kan Soomaaliya uu aad u doonayay.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo sheegaya in la dilay ama uu nool yahay Amiirkii isku xirka Hogaanka Alqaacidda iyo kan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa katirsan ama ah Garabka Alqaacidda ee Soomaaliya, kuwaa oo Beyco ama Heshiis kula jira Amiirka Guud ee Alqaacidda Ninka badalay Usaama Bin Laadin oo horay ay u dileeyn Diyaaradaha USA.