Abiy Axmed oo u hanjabay dadkii ka dambeeyay rabshadaha

0
502

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dalkaas kaddib rashadihii dhawaan dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan 86 qof ay ku dhinteen qalalaasahaas.

Wuxuu ku tilmaamay rabshadaha ‘wax laga xishoodo’ isla markaasna ay dadka badan u geeriyoodeen sabab la’aan.
Abiy oo ka hadlayay shir jaraa’id Axaddii ayaa sheegay in 4 kamid ah 86 -da qof ee dhintay ay ahaayeen dumar halka 10 kamid ah ciidammada booliska ay ku dhinteen rabshadaha.

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas.

“Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yiri Abiy Axmed.Wuxuu sidoo kale Abiy wacad ku maray in tallaaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo ballaaran oo rabshado horseeday kaddib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto inkasta oo eedeymahaas dowladda beenisay.