Xiisad Ka Taagan Deegaanka Ceel-Cadde Ee Shabeellaha Dhexe

0
460

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas saakay ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamo kala taabacsan Cismaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha degmada Balcad.

Xiisadan ayaa timid kadib markii shalay dagaal xoogan oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhexmaray labada Ciidan ee kala taabacsan Guddoomiye Qaasim Cali Nuur (Furdug) iyo Cismaan Xaadoole oo ah ah Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in Ciidamo ka tirsan labada dhinac ay saakay isku hor fadhiyaan deegaanka Ceel-Cadde, isla markaana  dadka deegaanka ay dareemayaan Cabsi xoogan oo ku aadan in mar kale dagaal uu ka dhaco halkaas.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba Guddoomiyaha degmada Balcad  Qaasim Cali Nuur (Furdug) iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Xaadoole ayaa isku heysta  dhul laga dhisayo deegaanka Ceel-Cadde