Puntland oo gurmadkii ugu horreeyay u dirtay Beledweyne

0
502

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay sagootinta wejiga 1-aad ee Gurmadka Puntland ee walaalaha Baladweyne.

Sagootinta Gurmadka reer Putland ee walaalaha Baladweyne ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Wakiillada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, dhallinyarada qaybta ka ahayd Gurmadkaasi, samafalayaal iyo masuuliyiin kale.
“Waxaan halkan isugu nimi inaan u dirno Gurmadkii ugu horeeyey ee Puntland ay ku kaalmaynayso walaalahooda reer Baladweyne. Ugu horayn tacsi ayaynu u diraynaa walaalaheen, waxaan uga tacsiyaynaynaa intii kaga-baxday Naf iyo Hantiba, waxaan goosanay Puntland, shacab iyo dowladba sidii caadadu ahaan jirtey Gurmad deg-deg ah inaan u fidino walaalaheen, labadan baabuur ee alaabtu saaran tahay waa intii ugu horaysey waa dedaalkii dhallinta, waxgaradka iyo shacabka Garoowe oo iskaashaday, FAANOOLE FARI KAMA QODNA Puntland waa wadaysaa”.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dedaalka, dhiiranaanta damqashada iyo gurmadka ay u horseedeen dhallinta reer Puntland ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan u gurmashada shacabka reer Baladweyne.