Duqeymo Xoogan oo ka dhacay Xaruntii Ciidamada Amniyaadka Al Shabaab

0
520

Wararka ka imaanaya Degmada Bu’aale ayaa sheegaya In Duqeymo xoogan lagu garaacay Xarunta Ciidamada Amniyaadka Ama qarsoodiga Al Shabaab.

Sarkaal katirsan dowladda ayaa Radio Cadaado u Sheegay Duqeynta ka dhacday Bu’aale in lala eegtay 95 Sarkaal oo halkaasi Dowro ama Siminaar uga socday.

Sido kale Wararka ayaa intaasi ku daraya Duqeynta in lagu dilay Daahir Gacamey Waaligii ama Gudoomiyihii Al Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka, halka uu dhaawac kasoo gaaray Amiirkii hore ee Gobalkaasi al Shabaab ugu magacaawnaa Sheekh Xuseen Filow.

Wararka ayaa sido kale Sheegaya in Khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray Saraakiisha lagu duqeeyay xarunta Amniyaadka Al shabaab ee Bu’aale.

Dhanka Kale Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay inta dhaxeysa magaalada Jilib iyo deegaanka Xaramka ayaa sheegaya in lagu burburiyay 80 Gaari ama baabuur oo horay Al shabaab Dagaal ugu qabsadeen.

Gaadiidka la duqeeyay ayaa la Sheegay horay iney Al Shabaab uga qabsadeen Ciidamada Dowladda, iyo kuwa Militariga ama Dagaalka Amisom.

Sido kale Saraakiisha dowladda ayaa Sheegay Duqeynta lala eegtay gaadiidkaasi inuu ku dhintay Madaxii ama Amiirkii dhanka Gaashaandhiga Xoogga Al Shabaab Aadan Geedi ama Abuu Xudeyfa.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo la Xiriira waxa ka jira in laga dilay Saraakiishaasi.

Ciidamada Cadaanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa kordhiyay Weerarada ka dhanka Ah Al shabaab oo Xiriirka dhaw la leh Alqaacidda