Somaliland oo faahfaahisay geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland

0
573

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay geeridii taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland oo xalay geeriyooday.

Waxa uu wasiirku ciidanka Booliska iyo Shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timid taliyihii ciidanka Booliska Somaliland oo uu ku tilmaamay  masuul xil kas  ah oo si waddaniyad iyo hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey Somaliland.

Taliyaha ayaa xanuunsanaayey dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey , isaga oo markana dalka Turkey-ga u tegay daweyn caafimaad.

Alle ha u naxariistee marxuum Cabdilaahi Fadal Iiman waxa uu hore xilal uga soo qabtay ciidanka Booliska  Somaliland , waxaanu soo noqday , taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey muddo ku dhow labaatan sanno.

Sannadkii 2012-kii uu madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliska Somaliland , xilkaas oo uu ilaa hadda hayey, waxaanu waqtigaas bedelay , taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed  Saqadhi Dubad oo isna geeryooday.