Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Odayaasha dhaqanka Puntland qaarkood kula hadlayay Magaalada Qardho ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo looga horjeedo maamulkiisa oo ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Puntland.
Madaxweynaha Waxaa uu sheegay in kulamaddaasi laga soo abaabulay meelo ka baxsan maamulka Puntland, islamarkaana dadweynaha si qaldan wax loogu sharaxay.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah Shacabka degaanada Puntland loogu sheekeeyay in maamulkiisa ay hor taagan yihiin Mashaariic loogu tala galay degaanada Puntland oo dowladda dhexe ee Soomaaliya heyso.
” Dowlada Federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta Waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda Waxa ay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic mahan dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxaa uu sheegay Puntland aysan aqbali doonin in geedi socodka Siyaasadeed ee dalka ay marti ka noqoto, islamarkaana wax loo meeriyo laakiin waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin la xisaabtanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina waxaa uu sheegay in lagu guuleystay in la qanciyo Odayaashii ka hor yimid maamulkiisa, oo uu sheegay in lacaggo looga soo diray meelo ka baxsan Puntland.