Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriya oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sirasmi ah u soo bandhigay heshiis hoose oo ay dowladda la gashay hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca.
Waxa uu Wasiirka sheegay in, iyada oo la badbaadinayo Galmudug,kadib khilaaf dhacay Ahlusunna lagula hesheeyay heshiis ka kooban Afar Bog si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.
Hesheeskaas ayuu sheegay in Ahlusunna shuruud ka dhigtay in Xildhibaannada la dhisi doono laga siiyo 35 Xildhibaan,iyada oo la fiirinayo danta Galmudug ay Dowladda ogolaatay Arrintaas.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hoggaanka Ahlusunna ay baraha bulshada kusoo bandhigeen Warqad cadeyneysa in 89 Xildhibaan ee Galmudug laga siiyo 35 Mudane, hayeeshee aysan jirin cid ka dafirtay loogana iibsaday midnimada Gamudug.
Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay isbaaro u dhiganayaan hanaanka soo xulista xildhibaannada Cusub ee Maamulka Galmudug oo looga fahdiyo Odayaasha Dhaqanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inhoggaanka Ahlusunna ay Warqad dacwo ah u gudbiyeen QM, USA, IGAD, UK, Turkiga iyo wadamo kale,taasi oo uu sheegay inay xadgudub ku tahay Dowladnimada Soomaaliya.
Warqadaas ayuu sidoo kale sheegay inay ku qorneyd in weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheekh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa iyo qodobo kale oo eedeyn ah.
Ugu dambeyn waxaa uu ka hadlay guddiga doorashada & dhismaha Galmudug oo uu Magacaabey sheikh Shaakir iyo Arrimo kale.
Hoos Ka Daawo shir Jaraa’id oo uu u qabtay Bulshada Galmudug.