Sheekh Shariif oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran

0
618

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashaan ayaa waxaa ku midoobey ilaa Lix Xisbi siyaasadeed oo kala ah, Himilo Qaran, Midowga iyo horumarka,Ileys, Kulan, NPP iyo Xisbiga Nabadda,waxana guddoomiye looga dhigey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeennada Madasha xisbiyada Qaran  ayaa waxaa loo doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi  oo ah guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay awooday lacago farabadan oo Taalooyin lagu dhisay laakin aysan awoodin in wax loo qabto dadka Reer Baladweyne aysan aheyn wax is qabanaayo.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyey Xisbiyada sida kalsoonida leh oo ay ugu doorteen  Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,isla markaana si wanaagsan uu ugu Shaqeyn doono.

Sababta loo Aas’aasay Madashaan ayuu ku sheegay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo Aas Aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti Siyaasadeed.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan,sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed,isla markaana qofkii doonayo in uu qabto lagu waajibiyey in uu dowladda fasax ka qaato taasina ay Dastuurka kasoo horjeedo sida uu hadalka u dhigay.