Wasiir Sabriye iyo hoggaanka Ahlusuna oo xalay shir ku yeeshay Dhuusamareeb.

0
583

Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xalay waxaa ay shir ku yeesheen  xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna loogu celin lahaa xeryahooda, islamarkaana laga dhex saari lahaa gudaha Magaalada iyo arimaha guddiga doorashada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ay si buuxda loogu gacan geliyo ciidamada nabad sugida Soomaaliya

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu khilaaf u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna waljamaaca.