Xaalad adag ayaa wali ka taagan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeellaha.
Xaafado ka mid ah Magaalada ayaa Guryaha waxaa ka sara maray Biyo, waxaana dadka Magaalada Beledweyne ay sheegeen in tani tahay Markii ugu xumeyd oo dhibaatooyin waa weyn ay kasoo wajahaan Fatahaada Wabiga.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah Guddiga Gurmadka Xaaladda Beledweyne ayaa gaaray Magaaladda, waxaana ay qiimeynayaan Xaaladda guud.
Weli waxaa Magaalada Baladweyne laga baadi goobayaa dadkii ay doonta kula qalibantay,waxaana jira meydad Maanta laga helay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Guddiga loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta la helay ilaa Shan ruux oo Afar kamid ah ay iyaga soo saareen halka midka kale dadweynaha Baladweyne qaarkood ay soo saareen.
11 Ruux ayaa horay loo xaqiijiyey in Nolol iyo Geeri lagu la’yahay,waxaana Maanta la soo saarey 5 kamid ah, iyada oo weli la la’yahay 6 kale,waxaana meydadka la helay kamid ah Guddoomiyihii Dhalinyarada Degmada Shibis Guuleed Ibraahim,Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne, Naaquudihii doonida rogmatay oo lagu Magacaabi jiray Muscab Xuseen muuto iyo Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne.