Wafdi ku wajahan Baladweyne,kadib musiibadii ka dhacday

0
511

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah xubnaha Guddiga fatahaadaha Hir-Shabeelle ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweyne Waare,waxaana ay halkaasi u tagayaan ka jawaabida musiibadii shalay ka dhacday Magaalada Baladweyne oo aheyd doontii la qalibantay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle iyo dad Shacab ah.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ayaa dhawaan xirmay,kadib markii uu saameeyey roobkii dhawaan halkaasi ka da’ay,waxana la ogeyn halka uu ku degi doono.

Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa xilligaan ah mid aan wanaagsaneyn,waxana inta badan ka barakacay dadkii deganaa,kuwaas oo haatan dhibaatooyin kala duwna ayu ku heystaan deegaanka Ceel-jaalle oo ah duleedka Koonfureed ee Magaalada Baladweyne.