Dhageyso:-Farmaajo oo sheegay in Beesha Caalamka kala hadlayaan Arrimaha fatahaadaha

0
567

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore sheegay in Wabiga uu fatahaad ka sameeyey deegaanno badna oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,isla markaana dadka ku nool  goboladaas ay u baahan yahay gurmad wadajir ah.

Waxaa uu ugu baaqay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya iyo xildibaannada intaba inay qeyb kamid ah mushaarkooda uga qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeeleeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay dhinacooda kaalintooda ka qaadan doonaan,sidoo kalena ay Beesha Caalamka kala hadli doonaan Arrimaah la xiriira fatahaadaha iyo sidii dadka uu saameeyey loo caawin lahaa.