Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose

0
539

Shirka labadii isbuucba mar lagu qabto magaalada Muqdisho ee ku saabsan Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa loga hadlaa xaalada Amni ee Shabeellaha Hoose iyo sidii loo xureyn lahaa deegaannada ka maqan Gacanta Maamulka

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaarada Armaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad GoboleedkaKoonfur Galbeed Mustaf Sheekh Cabdullaahi,guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Aadan Cali Najah,Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Deeqbixiyaasha.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u daadihinayay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana aad loogu eegay arrimaha Degmooyinka iyo Deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.