Diyaaraddii ugu horreysay oo sida gargaar oo gaartay Baladweyne

0
490

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka degtay diyaarad sida gargaarkii ugu horeeyey oo ay u dirto Dowladda Soomaaliya halkaas oo dadka ku nool uu saameeyey fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Diyaaradaas gargaarka sida oo ka baxday Magaalada muqdisho ayaa waxaa la socda Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu shalay Magacaabey Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xubno uu Magacaabey madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Isku duwaha maareeynta Gargaarka gobolka Hiiraan Xaawa Axmed Rijaal oo soo dhaweysay wafdiga Gurmadka waday ayaa sheegtay in loo keenay Agab isugu jira,teendhooyin ,Maacuun iyo agabyo kale.

Gurmadka ay dowladda u dirtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa loo qeybin doonaan dad weli ku go’doonsan Xaafadaha kala duwan ee Magalada Baladweyne oo ay fatahaaduhu saameeyeen iyo kuwo ka barakacay oo ku sugan duleedka Magaalada Baladweyne.

Waxaa sidoo kale jira diyaarado kale oo sida gargaar kale in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Baladweyne,kuwaas oo Magaalada Muqdisho ay ka direyso Dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo sidoo kale ah Guddoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha ay u magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.