Maamulka gobolka Nugaal & Waxgarad digniin kaga dhawaaqay Garoowe

0
512

Kulan ay ku yeesheen Magaalada Garowe maamulka gobolka Nugaal iyo Waxgaradka Magaalada Garowe ayay ku sheegeen in xildhibaanadii maanta Su’aallaha weydiiyay Madaxweyne Deni ee buuqa abuuray ay wadeen kicin dadweyne.

Waxgaradka Magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin Xiisad Siyaasadeed oo meelo kale laga soo abaabulay laga dhex abuuro degaanada maamulka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in xildhibaanadii shirka ku qabtay banaanka baarlamaanka ay wadeen kicin dadweyne iyo falal kasoo horjeeda ammaanka, isagoo sheegay in aan cidna khal-khalgalin sameyn karin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu hareermaray dastuurka,islamarkaana loo baahan yahay in lala xisaabtamo.

Su’aal uu xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland weydiiyay Madaxweyne Deni ayaa sababtay in Madaxweynaha uu iskaga baxo kulankii baarlamaanka.