Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Guddigii uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug ay doorteen Gudoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen.
Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Yaasiin Sheekh Muxumed Cabdiraxmaan, halka Ku xigeen loo doortay Maxamed Yaxye Faarax.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay guddiga doorashada Galmudug ay magacowday wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ay doorteen guddoomiyaha guddiga iyo Ku xigeenkiisa.
Xaalad Jahwareer ah ayaa ka taagan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Magaalada Shaqo ka wadda labo Guddi doorasho.