Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid ahaa Madaxda Afrikanka ah ee lagu casuumay Shirkii u dhaxeeyey dalka ruushka iyo hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa baaq waxaa uu u direy madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan.