Dad u dhintay Daawo Dhireed ay isticmaaleen Soomaaliland

0
486

Wararka laga helayo deegaanka Balli-gubadle oo ku yaalla Xaduudka Itoobiya ee dhinaca Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa lab qof ay geriyoodeen halka Saddex kalena xaaladooda Caafimaad ay liidato,kadib markii dadkaasi ay isticmaaleen Daawo dhireed.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay tageen Xarun ka furan deegaankaas oo dadka looga saaro Jinka laguna daweeyo,waxaana waxyeelo kasoo gaartay daawo dhireed ay isticmaaleen.

Labada qof ee dhintay ayaa ah laba wiil halka saddexda qof ee lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad ay yihiin Dumar.

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Hawd ee Soomaaliland ayaa xaqiijiyey Geerida dadkaas,isaga oo sheegay inay dadkaasi ahaayeen kuwo la siiyey Daawooyin Dhaqameed dhir ka samaysan,isla markaana ay sababtay geeridooda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Soomaaliland ay xireen Wadaadka leh Xarunta dadkaasi dawada ay ka cuneen,isla markaana la geeyey Xabsiga Magaalada Hargeysa.