Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen qorsho lagu sugayo amniga inta ay halkaasi ka socdaan howlaha la xiriira doorashooyinka.
Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ahna Taliyaha xasilinta Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in mar walba ay wadan howlgallo lagu sugayo Amniga.
Waxaa uu sheegay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb uu yahay mid la isku haleyn karo,isla markaan ay kordhinayaan inta ay socdaan doorashooyinka Galmudug.
Ugu dambeyn Bulshada ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Guud ahaan Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga