Dadkii muhaajiriinta ahaa ee ka badbaaday weerarkii duqeynta ahaa ee bishii July lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen muhaajiriin lagu hayay caasimadda Libya ee Tripoli ayaa BBC u sheegay in Qaramada Midoobeey aysan dan ka laheyn xaaladdooda isla markaasna ay ku dhex go’doonsan yihiin dagaalada ka taagan dalkaas.
Waxaana kamid ah dad Soomaali oo ku xayiran gudaha dalkaas.
Weerarkaas waxaa ku dhintay 53 qof oo muhaajirin ah, waxaana weerarkaas lagu eedeeyay maleeshiyaad isku dayayo inay qabsadaan magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Dalalka caalamka ayaa cambaareeyay duqeynta lagu beegsaday muhaajiriinta, Qarmada Midoobey waxay ku tilmaantay dhacdadaas ‘dambi dagaal’.
Tan iyo markii ay dagaallada ka bilawdeen duleedka Tripoli lix bilod ka hor, Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in ugu yaraan 1,000 qof ay dhinteen halka 120,000 qof ay guryahooda ka qaxeen.
Weli dadkii ka badbaaday duqeyntaas waxay ku dhex go’doonsan yihiin magaalada.