Sheekh Shaakir oo la kulmay guddigii doorashada ee uu Magacaabay

0
514

Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay.

Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo idmaday ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda ayaa Galmudug ayaa ku adkeystay in Guddigaan uu yahay Midka saxda ah ee dastuurka Galmudug uu ogol yahay,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhammaan ka  baxday balamihii ay horay u wada galeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ammaanka Magaalada la adkeyn doono, islamarkaana Ciidanka Galmudug ay ka hortagi doonaan in dhibaato ka dhacdo Dhuusamareeb.

Hadalka Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa yimid xilli maanta Magaalada Dhuusamareeb ay gaareen Guddigii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya,uuna fashilmay wadahadalkii Dowladda iyo Ahlusunna.