Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland oo shil ku geeriyooday

0
478

Inta la xaqiijiyey ilaa laba Sarkaal oo katirsan Ciidamada Soomaaliland ayaa geeriyootay halka Saddex kale ay dhaawacmeen, kadib markii uu la rogmaday gaari ay wateen.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Duleedka Bari ee magaalada Hargeysa,waxaana saraakiisha ku geeriyootay & kuwa ku dhaawacmay shilkaas ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dab-damiska Soomaaliland.

Taliyaha Ciidamada Dab-damiska Soomaaliland Axmed Sawaaxili ayaa sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada shilka ku waxyeeloobay ay ku wajahnaayeen Magaalada Barbara,hayeeshee musiibadaasi ay qabsatay.

Inta badan deegaannada duleedka ka ah Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhaca shilalka gaari, iyada oo wadooyinka qaar ay yihiin kuwo burbursan.