Laba kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ka digeen in Galmudug laga abuuri xasiloonidaro taasi oo hor istaagi karta geedi socodka la doonayo in lagu dhiso Galmudug mideysan.
Qoraal ay soo saareen Musharixiinta kala ah Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa waxaa ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya Arrimaha Galmudug .
Musharaxiinta Galmudug ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dowladda iyo Ahlusunna in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.