Madaxtooyada Soomaaliland oo ka jawaabtay Eedeyn loo soo jeediyey

0
465

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland  Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, kaas oo salka ku hayey eedo uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa eedaha uu soo jeediyey guddoomiyaha WADDANI ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, islamarkaana uu kaga gabbanayo xagal-daaca iyo dibin-daabyada uu xisbigaasi ku hayo qabsoomidda doorashooyinka kusoo foolka leh ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku howlan yihiin qabashadeeda.

Sidoo kale waxaa uu  ku eedeeyey guddoomiyaha WADDANI inuu shuruucda xulista xubnaha Komishanka doorashooyinka iska indho tirayo, waxana uu yiri“

Nuxurka hadalkii guddoomiye Cirro waxa uu aadana maagis uu guddoomiyuhu maagayo in dalka ay doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001, qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska indho tirayaa.”

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Soomaaliland ka taagnaa khilaaf ka dhacay doorashooyinka,kaas oo u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiyada mucaaradka.