Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu waddaa ku dhawaaqo liiska golihiisa cusub ee wasiirada iyo ku xigeenadooda.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu waday maalmihii ugu dambeeyay, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiiradda maamulka Jubbaland.
Golaha Wasiiradda ayaa u badnanaan doona Golihii hore ee maamulka Jubbaland sidda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah kuna beegan 22 Oktoobar 2019 waxaa uu wareegto ku magacaabey labadiisa kuxigeen.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka 1aad uu noqonayo Maxamuud Sayid Aadan oo xilkaasi horay u haayey halka Madaxweyne kuxigeenka labaad uu noqonayo C/qaadir Xaaji Maxamuud oo isna haayey xilkaas.