Guddoonka baarlamaanka oo qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

0
501

Kusimaha Guddoomyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaan maanta oo ay taariikhdu tahay 22/10/2019 kulan gaar ah layeeshay Safiirka Midowga Yurub (Europian Union – EU) u fadhiya Soomaalia Mudane Nicolas Berlanga Martinez.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka taageera meelo badan oo ay ka mid yihiin tababarada iyo Sare u qaadida Shaqaallaha baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa kaga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan baarlamaanka Soomaaliya.