Afar Cisho ka dib Taliyihii Ciidanka Gorgor oo Muqdisho lagu aasay

0
510

Allaha unaxariisto waxaa Isbitaalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed aas Qaran loogu sameeyay Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) oo 18-kii bishaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Xildhibaano katirsan labada gole ee dowlada Soomaaliyed, taliyaasha ciidamada qalabka sida ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Aaska.

Ilaaladda Hoteelka Naasa hablood 2 oo hadda lagu Magacaabo Maaido ayaa dilay Taliyaha iyo qaar ka mid ah Ilaaladdiisa, waxaana eheladiisa ay diideen in la aaso ilaa laga soo qabanaayo cidii dishay.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo ah Milkilaha Hoteelka dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in uu qaadaayo Mas’uuliyadda dilka taliyaha.