Maamulka G/Banaadir oo xiray Xarun ku taalla Muqdisho

0
449

Maamkulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa uu albaabada isugu laabay Xarun lagu sameynayay Dukumintiyada been abuurka ah taas oo ku taalla mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaruntaas oo ku taalla agagaarka Isgoyska km4 ayaa waxaa tegay guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle,waxaana Maamulka gobolk ay sheegeen in lagu sameynayay Dukumintiyo been abuur ah.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa sheegay in Xaruntaan ay isticmaaleysay Dukumiintiyo been abuur ah oo ay ku dhegan tahay warqada Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Xarumo kale oo sidaan oo kale ah loogu sameeyo Dukumintiyada been abuurka ah,isla markaana hadii ay arkaan Maamulka gobolka Banaadir tallaabo ka qaadi doonaan.