Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada 21 Oktoobarmhalkaas oo xalay fiidkii ay Kooxo hubeysan ku dileen Nabadoon lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Ibraahim kana mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan in guryaha qaar ay galayeen intii ay howlgalka wadeen,waxaana ay soo mqabtay dad ku dhow 100 ruux oo dhalinyaro u badan,kuwaas oo la geeyey Saldhiga booliska Afgooye.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Afgooye ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay la kala saaray,isla markaana qaarkood la siidaayey halka qaarkood ay baaritaano ku hayaan.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniag xun Gobolkaasi Shabeellaha hoose,waxaana inta badan ka dhaca dilal kala duwan.