Wasiir Xamza oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda IOM

0
525

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeedka Bariga iyo geeska Africa ee Hay’adda IOM.

Wasiir Xamza iyo Agaasime Mohammed Abdiker ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Hey’adda IOM iyo Wasaaradda isaga kaashan lahaayeen shaqooyinka ka dhexeeya ee arimaha xal-u-helista barakacayaasha iyo qaxootiga soo gurya noqday.

Agaasime  Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda IOM Mohammed Abdiker oo dhawaan soo gaaray dalka ayaa waxaa uu horay kula soo kulmay,Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Madax ka tirsan Maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.