Al-Shabaab oo gubay Gaari siday qaad dilayna dadkii saarnaa

0
467

Sidda ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Hiiraan Al-Shabaab ayaa jidka u galay gaari siday qaad oo marayay Wadada u dhaxeysa Buulo burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Al-Shabaab ay gubeen gaarigii qaadka siday sidoo kalena ay dileen labo ruux oo la sheegay in ay la socdeen gaariga.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in hada aysan ka hadli karin dhacdadaasi, balse ay wadaan baaritaan iyo dabagal.

Wadada u dhaxeysa Buuloburde iyo Jalalaqsi ayaa ku jirta Go’doon waxaana Al-Shabaab ay dhowr jeer ka fuliyeen weeraro ka dhanka ah Ciidanka dowladda iyo sidoo kale Gawaarida qaadka qaadda.

Degaanada ay jooggaan Al-Shabaab ayaa la ogoleyn in la geeyo qaadka