Soomaaliland oo ka hadashay Ciidamo dhawaan ka goostay

0
490

Soomaaliland ayaa maalmo kadib waxaa ay ka hadashay Ciidamo ka tirsanaa oo ka howlgalayay deegaano katirsan gobolka Sanaag,kuwaas oo dhawaan u goostay dhinaca Puntland.

Ciidamadaan oo ahaa Millateri ayaa ka howlgeli jiray deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag,waxaana, iyaga iyo saraakiishooda ay u wareegeen dhinaca Puntland.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ahaayeen kuwo waxmatarayaal ah oo mudo badan ku sugnaa deegaankaas kuna raagay sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo la hadlayay mid kamid ah Tv-yada ka howlgalla deegaannada Soomalailand ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale aysan jirin calan ay leedahay soomaaliland oo laga dejiyey deegaano katirsan Sanaag,isla markaana calanka la dejiyay lagu sameeyay Macmal (Photo Shop).

Ugu dambeyn, isaga oo ka jawaabayey sababaha keena in Ciidamo katirsan Soomaaliland ay ugu biiray Puntland ayuu sheegay in aysan jirin Ciidamo awood iyo tayo leh oo ka goostay dhinaca Soomaaliland.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa horay dhowr jeer waxaa ay siyaabo kala duwan u soo bandhigeen Ciidamo farabadan oo midba midka kale uu sheegya in dhinacooda u soo goosteen.