Khilaaf ka dhashay Magacaabistii Guddiga Xaduudaha Hir-Shabeelle

0
439

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Magacaabey Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha Hir-Shabeelle,hayeeshee waxaa Magacaabistaasi ka dhashay khilaaf xoogan.

Waxgarad Maanta kulan ku yeeshay Magalada Baladweyne ayaa waxaa ay si cad uga soo horjeesteen guddigaas oo ka kooban 9 Xubnood,waxaana ay sheegeen in guddigaas mudo 8 Maalmood ah la qarinayay.

Waxgaradka ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba Guddigaas aysan aqonsaneyn,isla markaana beeshooda ay xad-gudub kala kulmeen Maamulka hir-Shabeelle.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Xubnahaas Guddiga ay aysan noqon doonin kuwa ka Shaqeeya deegaannada Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo sheegay in guddigaas ay keensadeen Xubno ka tirsan Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.