Dhageyso:- Xiliga Uu Furmayo Kala Fadhiga Barlamaanka Hirshabelle Oo La Shaciyey

0
496

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheikh Cismaan Bare Maxamed oo shir jiraa id ku qabtay Xafiiskiisa oo arimo badan ka hadlay ayaa ugu horeen Tacsi udiray Eehelada Gudoomiye ku xigeenkii amniga Gobalka Sh Dhexe marxuum Muxumed Sugaal Cismaan iyo wiil yar uu dhalay oo weerar Bamca Gacmeed ah lagu qaaday hooyga uu ka dagana jowhar u geeriyooday waxaana sidookale Gudoomiyha Tacsi uu diray Ehelada sarkaashii iyo masuuliyiintii kale Ee ku geeriyootay Weerarada ugu dambeey Ee ka dhacay deegaanada hoostaga Degmooyinka Jowhar Iyo Balcad waxaana ALLE ugu baryay inuu Naxariita Janno siiyo
Sidookale Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay maalinta xasuusta Qaran Ee 14ka October oo ah maalinta muusiibada qaran Ee ka dhacday Dalka islamrkaana aynu kuweynay dad Tiradooda kor ay udhaafeyso kun Qofood waxaana Sheikh Cismaan Bare Mxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle isagoo ku hadlay afka D G Hirshabeelle iyo Guud ahaan shacab weynaha Reer Hirshabeelle ayaa yiri dhamaan umada Soomaaliyeed ha,isku kaashteen sugida amniga si,markale aysan udhicin maalinkale oo muraga leh oo lamid ah mida xasuusta Qaran 14ka October
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhanka kale ka hadlay Fatahaada hada ka jira qeybo ka mid ah deegaanada Hirshabeelle waxana u sheegay in xaalado Bini aadinmo hada ay ka jiraan Deegaanada fatahada ay ka jirto waxaana madaxda dalka heyadaha deeqda bixiya iyo qof kaste wax heesta ka dalbaday in Gurmad lala Gaaro dadka ay saameesay Fatahaada
Gaba gabadii Gudoomiye Cismaan Bare oo shirkiisa jiraa,id ku soo hadal qaaday arimaha Baarlamaanka ayaa sheegay in dhawaan uu furmayo kala fadhiga 7aad Ee Golaha wakiilada Hirshabeelle waxaana xilibaanda kamaqan jowhar ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan Caasimada Hirshabeelle ay ku yimaadaan si, loo furo buu yiri kalafadhiga Baarlamaanka D G Hirshabeelle.