James Swan oo ka hadlay laba sano kadib qarixii Isgoyska Soobe

0
505

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay qarixii Maanta oo kale 14-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2017 ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen.

Waxaa uu sheegay Amb, James Swan in weli qalbiyadooda aysan ka go’in oo ay xasuusan yihiin dadkii ku dhintay qaraxaas,isla markaana ay xanuunka la qeyb-sanayaan dadkii eheladooda ay ku waxyeeloobeen.

“Dilka & dhaawac macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali farabadan ayaan weli ka go’in xasuusteena,waxaana dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada kasoo gaartay iyo qoysaskooda adkeysiga iyo dhiiranaanta Soomaalida  kadib weerarkaas & kuwo kale oo ay geysteen Kooxaha xagjirka ayuu yiri” James Swan

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ku garab taagan tahay Go’aanka dadka Soomalaiyeed ee ah xaqiijinta dhabbaha nabada iyo barwaaqada.

Hadalka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Magalada Muqdisho laga xusayo laba sano kadib qarixii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.