Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin soo saaray

0
689

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari oo maanta ka hadlaayay goob fagaaro ah oo lagu gubayay khamri ay ciidamada ay soo qabteen ayaa dagniin adag u diray dadka magalada Boosaaso soo geliya khamriga iyo cida leh gaadiidka lagu keeno khamriga.

Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay khamriga las oo geliyo magalada Bosoaaso ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab iyo Daacish ay ula dagaalanto puntland.

“Waxaan uga digeynaa qof kasta oo Shaqadiisu tahay khamri,waxaana leeyahay qafkaasoo isaga bax hadii kale Booliska  gacanta ayay kugu dhigayaan cadaaladda ayaan lagu horgeyn doonaa sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaana kuula dagaalami doonaa ayuu yiri” Taliye Xuseen Cali Maxamud.

Shacbaka ku nool Gobolka Bari ayuu sheegay inay Ciidamada la Shaqeeyaan waxaana uu ka dalbaday in looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sugida Amniga Guud ahaan Gobolka Bari.