Maamulka G/Hiiraan & Hay’adaha samafalka oo ka shiray cabsida fatahaada

0
507

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta kulan ku yeeshay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale & Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay cabsi laga qabo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaasi Hiiraan iyo inay hay’adaha u diyaar garoobaan caawinta dadka ku nool Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa madaxda Hay’adaha samafalka u sheegay inay jirto Qatar u aadan fatahaad uu sameeyo wabiga,isla markaana looga baahan yahay inay caawiyaan dadka uu saameeyo fatahaada.

Mas’uuliyiin dhankooda u hadlay hay’adaha samafalka ayaa waxaa ay sheegeen in qatarta fatahaada ay jirto ay dhankooda  ka warqabaan,isla markaana ay diyaar u yihiin inay dadka caawiyaan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi oo isna kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Hay’adaha samafalka uu ka codsanayo inay booqdaan degmada uu guddoomiyaha ka yahay,halkaas oo uu sheegay inay gaareen dad ka barakacay cabsida fayahaada wabiga Shabeelle.

Si kastaba kulanka Maanta dhex-maray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale & Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas ayaa waxaa uu imaanaya xilli casbi la xiriirta fatahaada ay ka taagan tahay Magaalada Baladweyne.