Kulanka ugu soo horeeya ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la filaya in la horgeeyo ajende uu kamid yahay mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen inay ka go’an tahay in Baarlamaanka la horgeeyo mooshinkaas, iyaga oo eedeyn kulul u jeediyey Dowladda Kenya.
Xildhibaan Sakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hadasho daan daansi iyo xad gudub uu sheegay inay Kenya ku heyso Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay tahay dowlad weerar ku ah Soomaaliya,isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda jooga Soomaaliya uu yaallo Baarlamaanka Soomaaliya kana doodi doonaan.
Hadalka Xildhibaan Sakariye ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay uusan wanaagsaneyn xiriirka Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana diyaarad laga leeyahay dalkaasi ay tira laba jeer ah jebisay amar kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.