DEG DEG:-Mas’uul Ka Tirsan Hirshabeelle Oo Goordhow Qarax Lagu Dilay

0
511

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxumed Sugaal Cusmaan.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa u dhintay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo Caawa lagu weeraray Guri uu ka deganaa Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Wiil yar uu dhalay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana halkaas si deg deg ah uga baxsaday ragii weerarka soo qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa haatan ku sugan goobta uu falka la dhacay,isla markaana ka wada baaritaano kala duwan