Xasan Sheekh oo sheegay in doorashada Qaranka aysan noqon doonin tii Baydhabo oo kale

0
520

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aan loogu dulqaadan doonin in doorashada Qaranka ay ka dhigto doorashadii Baydhabo oo kale.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada Qaranka ay ku dhici doonto sidii looga bartay, islamarkaana hadii dowladda dhexe ay isku daydo in ay isku koobto dhibaato badan ay ka dhalan doonto.

Dowladda ayuu sheegay in aan laga aqbali doonin in doorashadda Qaranka lagu dhibaateeyo Shacabka sidda dhacday doorashada Magaalada Baydhabo.

Siyaasiyiintii maanta ka qeyb galay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa intooda badan eedeyn kulul u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.