Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Somaliland

0
563

Ugu yaraan 10 qof oo Qoomiyadda Oromada u badan ayaa ku dhintay shil gaari oo  ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee Somaliland sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Somaliland.

Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid siday Tahriibayaal Oromo ah.

Dhaawaca shilkan ka dhashay ayaa lagu daawaynayaa Cisbitaalka weyn ee Berbera, waxaana waxyeelo culus ay soo gaartay dadkaasi sidda uu sheegay maamulka degmada Berbera.

Tahriibayaasha ayaa ku sii jeeday magaalada Boosaaso oo ay uga sii tahriibaan waddamada Carabta.