Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo oo kulan deg dega ah ka yeelanaya Amarka dowladda

0
506

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ay ka mid yihiin xildhibaanada, Senetarada iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka  iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan deg deg ah ka yeelan doona Xayiraadda Mar kale lagu soo rogay Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu Guddoomin doona Shirka, islamarkaana Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo ay ku dhawaaqi doonaan go’aamo cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale amartay in diyaaradaha u socda ama ka socda Kismaayo ay maraan magaalada Muqdisho.

Diyaarado ka safray Nairobi iyo Garoowe ayaa todobaadkan jebiyey amarkaas oo kol horena ay dowladdu soo saartay, islamarkaana dhawaan ay sheegtay sidoo kale in ay qaaday.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Amarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli manta lagu waddo in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.