DEG DEG: Wafdi ka socda Kenya oo Nairobi kasoo duulay kuna Wajahan Kismaayo

0
584

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ka socda dalka Kenya  uu hadda duullay Magaaladda Kismaayo.

Warbaahinta ayaa xaqiijisay in Wafdiggaan uu hoggaaminaayo Madaxa Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Si rasmi ah looma xaqiijin in Wafdiggaan ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in ay toos u tagi doonaan Magaalada Kismaayo.

Amar ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xalay lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.