Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubabda Hoose waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.
Wafdigaan ayaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, sida xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ah guddoomiyaha Xisbiga ileys,Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xubno kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiintii horay u tegay ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Kismaayo,waxaana Xubnahaan ay halkaasi u tageen ka qeyb-galka munaasabada caleema saarka Axmed Madoobe.