Soomaaliya oo dib ugu biirtay Urur Goboleedka Bariga ee la dagaalanka Ayaxa

0
505

Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii  64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee   Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka ururka goboleedka DLCO-EA.

Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka ee sanadkaan iyo Agaasiimaha Guud ee Ururka Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka Ayaxa guurguura ee lama dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka DLCO,

Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada hayaama dhib weyna ku haya beeraleyda Soomaaliyeed.

Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa goboladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan  goboladda koonfureed  Gu’gii aan soo dhaafney ayna  dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo Masagada.

Hadaba, dib ugu biiridda Urur goboleedkaan  waxay Soomaaliya u fududeen doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yereen doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.